4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 6 , 2021
Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya: Ma jirto wax muddo kororsi oo inoo qorshaysan
 

Sabti, Feberaayo, 06, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cabdiraxmaan Mursal ayaa sheegay inuusan barlamaanku u qorshaysnayn in ay muddo kordhin u sameeyaan madaxweynaha Soomaaliya iyo xukuumadiisa.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay furitaanka kulan aan caadi ahayn oo madaxweyne Farmaajo isugu yeeray xildhibaanada aqalka hoose ayaa sheegay in fadhigooda maanta uu ku saabsan yahay sida ay dalka doorasho uga dhici karto, mar haddii lagu guulaysan waayay in lagu heshiiyo doorashadii dad banayd.

Wuxuu sheegay guddoomiyuhu in barlamaanka Soomaaliya uu awood u leeyahay inuu xal ka keeno arrimaha doorashada mar haddii  lagu heshiin waayay in doorasho dalku aado.

Waxaa kale oo gudoomiyuhu sheegay in fadhigooda uusan qeyb ka ahayn golaha aqalka sare, taasoo keentay in hoolka laga saaro xildhibanno ka socday aqalka sare oo qorshaynayay in ay qeyb ka ahaadaan kulanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu goor dhow hor yimaado barlamaanka, isagoo ujeedindoono warbixin ku saabsan xaaladda dalku marayo iyo natiijada shirkii magaalada Dhuusomareeb.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]