4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 6 , 2021
Madaxweyne Farmaajo oo goor dhaw dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho

 

Sabti, Feberaayo, 06, 2021 (HOL) -Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho isaga oo ka soo kicitimay magaalada Dhuusa-Mareeb kaddib markii lagu soo kala taggay shirkii halka uga soconaya hoggaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markiiba loo gudbiyay madaxtooyada Soomaaliya iyadoo qeybo ka mid ah jidadka magaalada Muqdisho ay xireen ciidamada Koofiya casta ee ilaalada gaar ah ee madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in saacadaha soo socda sida uu qorshuhu yahay uu hortago xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya halkaasoo uu ka jeedin doono khudbad ka la xiriirta xaalada siyaasadeed ee dalka shirka Dhuusa-Mareeb.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]