4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 5 , 2021
Jigjiga : 50 Gabdhood oo baranayay dacwadda Islaamka oo lagudoonsiiyay abaalmarino kala duwan


Jimco, Feberaayo, 05, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu qabtay hoolka shirarka ee Golaha Arrimaha Islaamka ee DDS xaflad si heer sare ah  loosoo agaasimay oo lagu abaal marinayay arday dhammaysatay qaabka loo fidiyo dacwada Islaamka ee dadka loo gaarsiiyo, oo baranayay muddo 2bilood ah.

Xafladdan ayaa waxaa kasoo qayb galay maamulka u sareeya Xafiiska Golaha Arrimaha Islaamka ee heer degaan, oo u horeeyo Guddoomiyaha Golaha sare ee Arrimaha Islaamka ee DDS, Sh. Axmed Aabi iyo mas'uliyiin kale.

Haddaba waxaa erayo kooban kasoo jeediyay xafladdan Guddoomiyaha Arrimaha Islaamka ee DDS, Sh. Axmed Aabi isagoo sheegay in xafladdan ujeedada loo qabtay ay ahayd inay gabdhuhu fahmaan sidii ay u faafin lahaayeen dacwadda Islaamka, isla markaana kula dardaarmay gabdhahan inay gaarsiiyaan dacwadda Islaamka xaafadihii ay ka kala yimaadeen.

Gabdhahan ayaa ahaa kuwo laga soo kala xulay 20ka xaafadood ee ay ka kooban tahay magaalada Jigjiga, oo muddo 2 bilood ah baranayay qaabkii loo faafin lahaa diinta Islaamka ee dadka loo gaarsiin lahaa.

Dadaalka diineed ayaa ahaa mid aad u xoogaysanayay muddooyinkan dambe, iyadoo degaanka aad looga dareemayo dhaqdhaqaaqa lagu kobcinayo diinta Islaamka, iyadoo ay magaalada Jigjiga kusoo badanayeen goobaha lagu barto diinta Islaamka.

Sidoo kale waxaa magaalada ka jiray maalmahan muxaadarooyin diini ah oo Culimo waawayni ay ka jeedinayeen magaalada, oo u horeeyo Sheekh Abuu dalxa oo maalmahan ku sugan magaalada Jigjiga.

Isusoo duuboo intii isbadalku degaanka ka dhacay, dadaalka diineed wuxuu ahaa mid maalinba maalinka xigta sii xoogaysanaya, isagoo Xafiiska Golaha Arrimaha Islaamka ee heer degaan uu arrintaas aad uga hawlgalay.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]