4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 5 , 2021
Madaxweyne Farmaajo oo maalinta berri ah hortagaya golaha Baarlamaanka

 

Jimco, Feberaayo, 05, 2021 (HOL) -Fariin loo diray xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wargaliyay in maalinta berri ah uu hor iman doono golaha madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in uu isaga soo tagi doono magaalada Dhuusa-Mareeb iyadoo ilaa iyo hadda aysan jirin wax is afgarad ah oo laga gaaray shirkii halkaa uga socda madaxda federaalka iyo kuwa dowlad gobolleeyada dalka.

Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 05 bisha Feberaayo ayeey aheyd waqtiga uu qabsaday madaxweynaha in uu hor iman doono Baarlamaanka, hasse ahaatee maalinta berri ah ayaa lagu waddaa in uu hortago golaha si uu faah faahin dheeraad ah uga siiyo xaalada dalka iyo waliba shirka Dhuusa-Mareeb,

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]