4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 5 , 2021
Wararkii ugu danbeeyay shirka magaalada Dhuusa-Mareeb

 

Jimco, Feberaayo, 05, 2021 (HOL) -Wali waxaa ka soconaya magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Galmudug shirka u dhaxeeya madaxda federaalka, dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirka ayaa saacadihii ugu danbeeyay lagu waramayaa in siweyn loogu lafa-gurayay is-mariwaaga ka taaggan arintan gobolka Gedo, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland xalay uu ka baaqday shir ay lahaayeen madaxda halkaa kuwa sugan.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhaw dhaw shirka ayaa ku waramaya in maanta mar kale madaxdu ku shirsan yihiin magaalada Dhuusa-Mareeb iyaga oo halkooda ka sii waddi doona doodda ku saabsan sida laga yeelayo khilaafka siyaasadeed ee gobolka Gedo oo ka mid ah qoddobada ugu waaweyn ee ku hor gudban doorashada.

Lama oga ilaa iyo hadda waqti rasmi ah oo shirkan la soo gabagabey-nayo madaama aan wali wax heshiis ah laga gaarin inta badan qoddobadii leysku hayay, waxaana jira cadaadis dhinacyada shirsan uga imanaya beesha caalamka dalbanaya in heshiis deg deg ah lagu gaaro shirka Dhuusa-Mareeb.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]