4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 4 , 2021
Beesha caalamka oo farriin culus u dirtay madaxda ku shirsan magaalada Dhuusomareeb

 

Khamiis, Feberaayo, 04, 2021 (HOL) -Beesha Caalamka ayaa soo dhoweysay kulanka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka oo hadda ka socda magaalada Dhuusomareeb.

Beesha caalamka waxay ku boorrisay dhammaan ka qaybgalayaashu in ay si wax ku ool ah uga qaybqaataan hirgelinta hanaanka doorashooyinka qaran, iyadoo la dhowrayo qaabka doorasho ee heshiiskii 17kii Sebtember.

Beesha caalamka waxay si cad u sheegtay in doorashooyin aan loo dhammayn, ama tallaabooyin kale oo aan ahayn hanaanka doorashooyinka lagu heshiiyey, ay noqon doonaan dib-u-dhac aan heli doonin taageerada saaxiibada caalamka.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan madaxda siyaasadda inay mudnaanta siiyaan sidii lagu heli lahaan hab horay loogu socdo iyadoo jirin dib u dhac dheeraad ah,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen saaxiibada caalamka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online