4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 4 , 2021
Soomaaliya oo lagu waddo in la soo gaarsiiyo tallaalka cudurka Covid 19

 

Khamiis, Feberaayo, 04, 2021 (HOL) -Soomaaliya oo ka mid ah wadamada dunida ee uu faraha ba'an ku hayo cudurka Coronavirus ayaa lagu waramayaa in la soo gaarsiiyo tallaalka laga hortagayo cudurkan oo hadda gaaray qeybo badan oo ka mid ah caalamka.

Dr. Mamunur Rahman Malik oo ah madaxa caafimaadka hay'adda WHO ayaa sheegay in Soomaaliya la gaarsiin doono sida uu hadalka u dhiggay 1.2 milyan goojo oo ah tallaalka Oxford AstraZeneca.

Isaga oo la hadlayay warbaahinta VOA ayuu intaa ku darray in tallaalkan marka uu soo gaaro dalka Soomaaliya ay heli doonaan dad gaaraya 600,000 oo Soomaali ah.

Tallaalkan ayuu sheegay in gaar ahaa la soo gaarsiin doono Soomaaliya ilaa bartamaha sanadkan iyadoo ay ka faa'ideysan doonaan 20% dadka Soomaaliyeed.

Cudurka Covid 19 oo ah cudur halis ah oo malaayiin ruux oo Soomaali ah dilay ayeey Somaaliya ka mid tahay dalalka uu halista badan ku hayo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]