4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 3 , 2021
Wararkii ugu danbeeyay shirka DhuusaMareeb uga soconaya madaxda Federaalka iyo Dowlad gobolleedyada

 

Arbaco, Feberaayo, 03, 2021 (HOL)-Wararka ka imanaya magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta dowlad gobolleedka Galmudug ayaa sheegaya in shirka halkaa uga socda madaxda dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada dalka looga wada hadlayo arinta ku saabsan khilaafka ka taaggan doorashada xildhibaannada Gobollada Waqooyi.

Shirka ayaa lagu waramayaa in lagu soo qaaday codsigii uu dhawaan guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi u gudbiyay madaxweyne Qoor Qoor ee ka qeybgalka shirka madaama qoddobada looga hadlayo ay qeyb ka tahay arinta doorashada xildhibaannada Gobollada Waqooyi [Soomaliland]

Ilo ku dhaw dhaw shirka ayaa sheegaya in arinta ku saabsan doorashada xildhibaannada Gobollada Waqooyi loo daayay in ay ka wada hadlaan Ra'iisal Wasaare ku-xigeenka iyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi.

Cabdi Xaanshi oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya in uusan aqoonsaneyn doorka Aqalka Sare, waxaana uu dhaliil weyn u jeeidiyay shirka Dhuusa-Mareeb oo sida uu hadalka u dhigay wax matalaad ah aysan ku laheyn Gobollada Waqooyi.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in uu shirku u gudbo ka hadalka qoddobo kale oo muhiim u ah in heshiis buuxa laga gaaro doorashada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]