4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 3 , 2021
Faysal Cali Waraabe “madaxweynaha isku maanu fiicnayn lakin lacagtii wuu bixiyay, guurtidana….”
 

Arbaco, Febraayo, 03, 2021 (HOL)- Gudoomiyaha xisbiga Ucid ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo galabta warbahinta kula hadlay magaalada Hargaysa aya hambalyeeyay go’aan kii ay shalay golaha guurtidu ku waafaqeen guddida doorashoyinka ee aha in ay doorashoyinka wakiilada iyo deeganku dhacaan 31 ka bish May ee sanadkan, sidoo kale Gudoomiye Faysal ayaa  madaxwayne Biixi ku bogaadiyay meelmarinta go’aamada guurtida iyo guddida doorashoyinka.

Gudoomiye Faysal ayaa guurtida iyo madaxwaynaha ku hambalyeeyay meel marinta mudada doorashada.

“ Waxan hambalyaynayaa guurtida, anagu guurtida isku maanu fiicnayn, shalayto Ilaahay baa khayrkii waafajiyay, waanu u ducaynaynaa insha Allah, madaxwaynahana isku maanu fiicnayn lakin manta isagu wuu siidayay lacagtiina wuu bixiyay, Ilaahay khayr  kiisa hayna siiyo oo sharkiisa haynaga hayo” ayuu yidhi gudoomiye faysal.

Gudoomiyaha ayaa cabiray sida uu ugu hanwaynyahay in doorashadani noqoto mid is badal keenta.

“Doorashadan manta waxanu doonaynaa in aynu wadankeena oodhan isbadal wayn ku samayno, dad xilkas ah oo Ilaahay ka baqaya in aynu soo saarnan doonaynaa.”ayuu yidhi Gudoomiyaha

Gudoomiyaha ayaa  hadalkiisa kusoo gabagabeeyay duco uu Ilahay kaga baryay in uu dad wanagsan doorashada kasoo saro isla markana shacabka Somaliland ka dhigo qaar isku duuban oo isku calool fayaw.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]