4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 3 , 2021
Maamulka Hotel Afrik oo war-saxaafadeed kasoo saaray weerarkii lagu qaaday hotelkooda
 

Arbaco, Feberaayo, 03, 2021 (HOL) - Maamulka hotel Afrik iyo xarunta ganacsiga ee Allamagan ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday weerarkii maalintii axadda ahayd lagu soo qaaday Hotel Afrik, waxayna alle uga baryeen inuu janadiisa firdowsa ka waraabiyo.

Waxay sidoo kale intii ku dhaawacantay isla weerarkaas u rajeeyeen caafimaad iyo soo kabasho degdeg ah.

Masuuliyiinta Hotelka ayaa sheegay in ay si dhaqso leh ugasoo kaban doonaan weerarkii lagu qaaday hotelka, inkastoo ay sheegeen in dhibaato weyn oo naf iyo maalba leh ka soo gaartay qoysas Soomaaliyeed

“Afrik Hotel oo ah goob ganacsi iyo adeeg bulsho oo u dhaxaysa ummadda Soomaaliyeed, waxay macaamiisheeda u balan qaadaysaa soo celinta iyo horumarinta adeegyadii looga bartay insha allah,” ayaa lagu yiri qoraalka maamulka hotelka ay soo saareen.

Hotel Afrik oo kamid ah hotelada waawayn ee Muqdisho, ayaa maalintii axada lagu qaaday weerar ay masuuliyadiisa sheegteen ururka Al-shabaab, waxaana ku dhintay ku dhawaad 10qof oo shacab u badnaa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online