4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 3 , 2021
Guddoomiyaha aqalka sare oo madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu ka hor istaagay shirka Dhuusa-mareeb

 

Arbaco, Feberaayo, 03, 2021 (HOL) -Guddoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada waqooyi ee Soomaaliya ayaa sheegay in loo diiday in ay matalaad ku yeeshaan shirka wadatashiga ee magaalada Dhuusamareeb.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo shir jaraa'id ka hadlayay ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo inuu u diiday inuu ka qeyb galo shirka magaalada Dhuusomareeb, si uu u matalo danaha gobolada waqooyi ee uu kasoo jeedo.

“Waxaa nasiib darro ah oo aan ka xumahay in shirkan lagu qaanayo Dhuusomareeb oo ay ka qeyb galayaan dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada aan lagu casuumin aqalka sare, taas waxay caddaynaysaa in madaxweynuhu aaminsanayn nidaamka federalka iyo Somaliland".

Cabdi Xaashi ayaa sheegay muddadii uu xilka hayay madaxweyne Farmaajo inuu inkiray waajibaadka uu dastuurku siiyay aqalka sare oo ah matala dowlad goboleedyada islamarkaana aan laga qeyb galin xallinta khilaafaadka soo kala dhexgala dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa ku wargaliyay guddoomiyaha aqalka sare inuusan ku jirin liiska ergada ka qeyb galaysa shirka dhuusomareeb.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online