4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 3 , 2021
Somaliland oo ka hadashay mawqif keeda ku aadan go’aamadii ay IGAD kasoo saartay khilafka Soomaaliya iyo Kenya
 

Arbaco, Feberaayo, 03, 2021 (HOL) - Wasirka Arimaha Dibadda ee Somaliland Md. Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo waraysi siiyay wargayska Geeska Africa ayaa sheegay in ay ahayd in Soomaaliya ay aqbasho qodobadii IGAD ee ku aadanaa khilaafka Kenya iyo Soomaaliya sida Kenya ba u aqbashay.

Wasiirka oo ka hadlaya arinka go’aamada IGAD ee khilaafka Soomaaliya iyo Kenya ayaa yidhi:-

“Madaxwaynaha Jahmuuriyada Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu hore u sheegay halka aynu dal ahan ka taganahay arimaha u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, dabcan sidaynu ognahay guddi dhex-dhexaadin ah ayaa loo magacaabay waxay isku hayaan, guddiduna waxay isku hayaan ayay dib u eegtay waxayna soo saartay qodobo ay guddidu u arkaysay in wax lagu xalin karo, Kenya way ku qanacday waxayna ahayd in Soomaaliyana ku qanacdo oo anay waxyaabo aan jirin iyo dhaleecayn sheegin, maadaama oo ay markii horeba guddida kalsooni siisay”.

Sidoo kale wasiirka ayaa mar uu ka hadlayay xiisada siyaasadeed ee geeska Afrika waxa uu yidhi:-

“Anagu Somaliland ahan waxanu marwalba ku baaqayna wanaag, waxkasta oo kusoo kordha wadamada Geeska Afrika, waddamada kale ee Africa iyo caalamkaba, waxanu jecelnahay in ay noqoto wax u wada dan ah cidkasta, anaga Somaliland ahan xidhiidh aad u fiican baa naga dhexeeya waddamada aanu jaarka nahay iyo dallalka kale ee caalamkaba, xidhiidh kasina waxanu jecelnahay in uu sii xoogaysto”.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiran Online
[email protected]