4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 3 , 2021
Faahfaahino kasoo baxaya weerar lagu qaaday magaalada Jowhar
 

Arbaco, Feberaayo, 03, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xalay weerar ku qadaeen dhaqdhaqaaqa Al-shabaab Saldhiga ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin dhinaca bari ee magaalada Jowhar.

Weerarka ayaa dhacay xalay saqdii dhexe kaasoo u badnaa hubka noociisa culus sida madafiicda iyo rasaasta daran dooriga ah oo socotay in muddo ah.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in dhankooda jawaabo culus ka bixiyeen weerarka lagu soo qaaday xalay saqdii dhexe lamana oga ilaa hadda qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa saakay howlgalo baaritaano ah ka wadda xaafado ka tirsan magaalada Jowhar si gaar ah waxa ay baaritaanka xoogiisa ka sameynayaan xaafada Horseed.

Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa inta badan waxay weeraro ku qaadan xiliyada habeenkii ah magaaloyin badan oo ka tirsan Hirshabeelle sida Jowhar, Jalalaqsi, Buulaburte, iyo Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]