4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 3 , 2021
Saraakiil ka tirsan FBI Mareykanka oo toogasho lagu dilay

 

Arbaco, Feberaayo, 03, 2021 (HOL) - Labo sarkaal oo ka tirsan FBI Mareykanka ayaa toogasho lagu dilay halka saddex kalana la dhaawacay Gobolka Florida, kaddib iska horimaad dhaxay subaxnimadii Talaadada.

Saraakiishan ayaa la toogtay xili ay isku dayayeen in ay baaritaan ku sameeyaan guri ku yaalladegmada Fort Lauderdale halkaas oo looga shakisanaa in uu ku nool yahay mid ka mid ah kooxaha ku eedeysan fal danbiyeedyada ka dhanka ah caruurta.

Laakiin saraakiisha ayaa la kulmay weerar uga yimid dhinaca guriga ay doonayeen in ay baaraan taasoo keentay gaarida labo sarkaal iyo dhaawac saddex kale.

Qofka loo maleynayo in uu weerarka geystay ayaa meydkiisa laga helay isla guriga dhaxdiisa waxaana loo maleynayaa in uu isaga is dilay.

Saraakiisha FBI oo dhacdadan ka hadlay ayaa ku tilmaamay kii ugu xumaa ee sanadihii ugu danbeeyay ay la kulmaan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]