4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 3 , 2021
Al-shabaab oo xalay weerarray Bar-Kontrol oo ay ciidamada dowladda ku lahaayeen degmada Balcad

 

Arbaco, Feberaayo, 03, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay uu halkaa iska horimaad ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Dadka degmada ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-shabaab xalay weerar ku soo qaadeen Bar-Kontrool oo dhinaca Waqooyi ee degmada ay ku lahaayeen ciidamada dowladda ,halkaasoo uu ka qarxay dagaal dhinacyadu isku weydaarsadeen hubka kala duwan.

Inta la og yahay hal askari oo ka tirsanaa ciidankii ku sugnaa Koontaroolka la weeraray ayaa ku geeriyooday iska horimaadka lamana sheegin khasaare intaa dhaafsiisan.

Degmada Baclad iyo nawaaxigeeda ayaa la sheegaa in ay ku xooggan yihiin dagaalyahannada Al-shabaab oo inta badan weerarro kala duwan ku qaada gaadiidka ciidamada dowladda ee isaga kala goosha waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar  gaar ahaan inta u dhaxeysa degmooyinka Balcad iyo Qalimoow oo ka wada tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]