4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 28, 2021
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo shaacisay kiisaskii ugu dambeyay ee Cudurka COVID-19
 

Axad, Feberaayo, 28, 2021 (HOL) - Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay tirada bukaanada maanta laga baaray xanuunka Cudurka halista ah ee COVID-19.

Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in 24 saac ee ugu dambeysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka dad gaaraya 1,807 ruux waxaana inta la xaqiijiyay u geeriyootay xanuunka COVID-19 ilaa 8 ruux oo lix ka mid ah aay ku dhinteen gobolka Banaadir halka labada ruux ee kalana aay ku dhinteen magaalada Baledweyne sida aay Wasaarada Caafimaadka Shaacisay.

Maalinba maalinta ka dambeysa waxaa sii kordhaya tirada dadka uu soo ridanaayo xanuunka COVID-19 haba ugu sii darnaatee magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

o Laga Helay:  266
o Banadir:        141
o Puntland:      88 (Natiijada Baaritaanada Hal usbuuc)
o Somaliland:        25
o Koonfurgalbeed: 4
o Hirshabelle:         3
o Jubaland:             3
o Galmudug:           2

o Lab:       163
o Dhedig: 103

o Dhimasho: 8 (6 xaalad dhimasho Banadir, 2 xaalad dhimasho Hirshabelle-Beledweyne)
o Bogsashada: 21

Tirada Guud ee Laga Helay: 7,257
Bogsashada Guud: 3,808
Dhimashada Guud: 239

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]