4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 28, 2021
Somaliland: nin 20 sano xabsi ku jiray oo dib u helay xoriyadisa
 

Axad, Febraayo, 28, 2021 (HOL)- nin Oromo ah oo lagu magaacaabo Maxamed Muuse Gamteesa ayaa xabsiga Hargaysa laga sii daayay kadib muddo 20 sano ah oo uu xabsiga ku jiray, siidayn tiisa ayaa waxa iska kaashaday mulkiilaha Astaan Tv Cabdimanan  Maxamed Yusuf, Cabdimalik Muuse Coldoon iyo dad kale oo khayrka jecel.

Gamteesa ayaa xabsiga galay kadib markii uu dilay qof sanadkii 2001 xiligaasi oo uu jiray 20 sano oo kaliya, wuxuuna wayay cid ka bixisa magtii lagu lahaa taasi oo sababtay in uu xabsi ku qaato muddo 20 sano ah.

“Kullan kan aynu maanta u joognaa waa kulan farxada, waa maxbuus Ilahay ka fayday dhib haystay, Maxamed Muuse Gamteesa oo xidhnaa 2001 ilaa 2021, xabsigana galay isagoo 20 jira, maantana soo baxay isagoo 40 jira, waa Ilahay mahadii, waxa ugu horayn aanu u mahad celinaynaa, cidkasta oo walalkeen ka qayb qaadatay soodayn tiisa, Alla mahad leh, walalkan 2001 ayuu shil ku dhacay kadibna maxkamadii waxay ku xukuntay mag iyo 8 sano oo xadhiga, markaa wuxu wayay qaantaa lagu leeyahay cid kabixisa, dhawaan ayanu helay waan Ilahay mahadii”. Sida waxa yidhi Cabdi Maalik Muuse Coldoon.

Cabdi Maalik aya sidookale sheegay in mulkiilaha muuqbaahiyaha Astaan TV uu bixiyay magtii lagu laha Gamteesa sidaana uu kusoo baxay.

“Walalkan xabsiga ayaanu isku barangay markaan xidhnaa, waxana nu ku balanay in aan hawshiisa galo marka aan xabsiga ka baxo, markaa aniga oo raadinaya munaasibad sidii aan dadka ugu soo bandhigilaah in magta laga bixiyo, waxa dhacay waxkale oo cajiiba oo runtii awooda Alle ah, waxa ay xabsiga ku kulmeen ninka la yidhaahdo Cabdimanan Yuusuf oo isagana halkaa lagu xidhay, Cabdimanan ayaa balan qaaday, in uu bixin doono magta lagu leeyahay, anaguna waxanu xidhiidh lasamaynay eheladii iyo maxkamadii, qoyskii marxuum kuna waxay naga ogolaadeen inay magtii naga daayan oo ay 7000 oo dollar oo kaliya naga qaataan”. Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdi Malik.

Maxamed Muuse Gamteesa ayaa isaguna goobta ka hadlay, isagoo u mahad celiyay cidkasta oo ka qayb qaadatay sii dayntiisa.

“Waxan u mahad naqayaa ragii ii shaqeeyay, dibad iyo gudaba, gaar ahan Cadimanan Maxamed Yuusuf ayaan u mahadnaqayaa mar labaad iyo mar saddexaad, halkan waxa ila jooga walalkay qaaliga ah Cabdimaalik Muuse Coldoon, isagana waan umahad naqayaa, wuu ii shaqeeyay meeshina wuu iga soo saray, waxan ahay nin qabri kasoobaxay Alla mahadleh.” Ayuu yidhi Maxamed Muuse Gamteesa.

Gamteesa ayaa noqonaya shakhsigii labaad ee Itoobiyaan ah ee uu Cabdimaalik Muuse Coldoon gacan ka gaysto siidayn tiisa.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]