4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 28, 2021
Ra'iisal Wasaare Rooble iyo Beesha caalamka oo ka wada hadlay sii wadista xalinta khilaafka doorashada

 

Axad, Feberaayo, 28, 2021 (HOL) -  Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble iyo Wakiilada Beesha caalamka ayaa mar kale ka hadlay sii wadista dadaallada lagu xalinayo khilaafka doorashada ee u dhaxeeya dhinacyada Soomaalida.

Kulanka oo ka dhacay aalada Internet ka Zoom -ka ayaa ayeey sidoo kale beesha caalamku ku bogaadiyeen isfahamkii hor dhaca ahaa ee dhawaan dhaxmaray xukuumadda iyo midowga Musharixiinta.

Wakiiladda caalamka oo dhawaan kulan la yeeshay Rooble waxaana ay ka dalbadeen in uu qaato doorkiisa ku aadan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Dowladda ayaa wali u muuqata in ay u maaro la'dahay sidii xal kama danbeys ah looga gaari lahaa arrimaha doorashooyinka kaddib markii ay si is daba joog ah u fashilmeen shirar hore oo laga yeeshay xalinta khilaafka doorashada oo uu ugu danbeeyay kii Dhuusa-Mareeb oo lagu kala tagay arinta gobolka Gedo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]