4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 28, 2021
Qarax lala eegtay guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo ka dhacay Muqdisho

 

Axad, Feberaayo, 28, 2021 (HOL) -  Warar naga soo gaaraya deegaanka Daara-Salaam ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhaw qarax lagula eegtay gaari uu la socday guddoomiyaha degmada Yaaqshiid.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa lala eegtay gaariga uu saarnaa guddoomiye Axmed Cabdullaahi Cariif iyo Saraakiil Boolis ah oo la socotay oo ka tirsan degmada Yaaqshiid.

Faah faahino soo baxaya ayaa sheegaya uu jiro khasaare ka dhashay qaraxa, waana qaraxii labaad ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]