4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 28, 2021
Khasaare ka dhashay dagaal culus oo ka dhacay degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay

 

Axad, Feberaayo, 28, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay ayaa sheegaya in saacadihii aynu soo dhaafay Iskhorimaad culus uu halkaa ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo waliba xoogagga Ururka Al-shabaab

Dagaalkan oo leysku adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka ayaa waxaa guulo ka seegtay maamulka Gobolka Baay oo warbaahinta u sheegay in khasaare culus la gaarsiiyay xoogaggii weerarka soo qaaday.

Maxamed Mukhtaar Cabdi oo ah guddoomiye ku-xigeenka Amniga degmada Qansaxdheer ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay 9 xubnood oo ka tirsan dagaalamaayaasha Ururka Al-shabaab, sidoo kalana gacanta lagu dhigay xubno ka tirsan Ururka oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Xoogagga Ururka Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ay weerar culus ku qaadeen degmada iyaga oo iska caabin xoog leh kala kulmay ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xiriira sheegashada maamulka gobolka Baay ee la xiriira dagaalka Qansaxdheere.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa ugu baaqay dowladda Sioomaaliya in inay gacan ku siiyaan sidii degmada Qansaxdheere looga saari lahaa go’doonka ay geliyeen Al-Shabaab.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]