4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 27, 2021
Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo ruqsad siisay adeegga EVC Plus
 

Sabti, Feberaayo, 27, 2021 (HOL) - Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta shirkadda Hormuud oo kamid ah shirkaddaha isgaarsiinta Soomaaliya siiyay liisankii ugu horreeyay ee adeegga lacagaha la iskugu diro teleefoonnada.

Shirkadda Hormuud oo ah tan ugu weyn ee bixisa adeegga telefoonnada lacagaha la iskugu diro ee loo yaqaano EVC Plus, ayaa noqonaysa shirkaddii ugu horaysay ee si rasmi ahaan ah loogu sharciyeeyo adeeggan.

Evcplus waa adeeg ay macaamiisha Hormuud isugu kala xawili karaan lacagaha, Ku bixin karaan biilasha, ka dhex iibsan karaan kaarka ku hadalka, iyo in ay si toos ah lacag ugala soo bixi karaan

Guddoomiyaha bankiga dhexe Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa sheegay u jeedada ay ruqsada u siiyeen adeeggan in uu yahay sidii loo ilaalin lahaa hantida macaamiisha Soomaaliyeed, maalgashadayaasha iyo in la ilaaliyo xasilinta maaliyaddeed ee dalka.

150 milyan oo lacago ah ayaa bil kasta la isugu dirayaa ama lagu kaydsadaa adeegga lacagaha la telefoonnada ee EVC Plus iyo kuwa kale ee ka shaqeeya guud ahaan Soomaaliya, sida uu sheegay guddoomiyaha bankiga.

Bangiga dhexe ayaa horay ruqsad u siisay 13 banki oo gaar loo leeyahay, tan iyo sanadkii 2015. 11 bank ayaa hadda ka shaqeeya bankiyadaas .


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]