4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 27, 2021
Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay xarriga weriye muddo labo bilood ah maamulkiisa u xiran
 

Sabti, Feberaayo, 27, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xarriga weriye lagu magacaabo Kilwe Aadan oo muddo ka badan labo bilood ah ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Garowe.

Madaxweyne Deni oo ka hadlayay shirweynaha ururka saxaafadda Puntand ee MAP, ayaa sheegay in weriyaha loo haystay dambi uu galay, balse wuxuu tilmaamay in baaritaankiisu uu dhamaaday oo xoriyadiisa dib u helidoono.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in weriyayaasha dambi la galiyo iyadoo looga faaidaysanayo daruufaha ay ku shaqeeyaan.

Weriye Kilwe ayaa kasoo muuqday maxkamada ciidamada, waxaana loo haystaa dambiyo ay kamid yihiin been abuur iyo kicin dadweyne.

Ururka MAP ayaa sharci darro ku tilmaamay xarrigiisa, wuxuuna hay’addaha garsoorka ka dalbaday in ay weriyaha hadduu dambi leeyahay maxkamad lasoo taago ama in xoriyadiisa loosoo celiyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]