4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 26, 2021
Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed oo si adag uga hadlay burburin lagula kacay Dugsiga Hoyga Xamar

 

Jimco, Feberaayo, 26, 2021 (HOL) - Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar  oo booqday xarunta Dugsiga Hoyga Xamar wax lala yaabo ku tilmaamay talaabo burburin ah oo qaar ka mid ah ciidamada Booliiska Soomaaliyeed kula dhaqaaqeen Dugsiga Hoyga Xamar oo ka mid ah Dugsiyada Waxbarasho ee ugu caansan magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa dhacadadan ku tilmaamay mid sharci darro ah oo ciqaabteeda ay mari doonaan sida uu hadalka u dhigay cid kasta oo ku lug yeela, isaga oo maamulka, Macalimiinta iyo Ardeyda Dugsiga ka raali-galiyay wixii dhacay.

“Raaligalin buuxda ayeeynu ka bixineynaa wixii xalay dhacay, ma aheyn siyaasadda xafiisyada dowladda iyo tan boliiska toona, saraakiishii iyo ciidamadii howshaan fuliyey tallaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa, waad maqli doontaan illaa berri subax tallabadaas, hadii Alle idmo,” ayuu yiri Taliye Xijaar.

Wuxuu sheegay in saacadaha soo socda maamulka Dugsigu maqli doonaan talaabo laga qaado cid kasta oo arintan burburinta ku lug laheyn, haddii ay ahaan lahaayeen ciidanka Booliiska iyo ciddii adeegsatay intaba.

Talaabada xalay lagu burburiyay Dugsiga Hoyga Xamar ayaa lagu tilmaamay in ay aheyd mid la xiriirta dano Ganacsi, iyadoo la doonayay in dhulka Dugsiga lagu wareejiyo ganacsato sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadkii sida dhaw arintan ula socday.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]