4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 26, 2021
Meydka Ugaas Xasan oo Salaadda Jannaasadda lagula Tukaday Baledweyne loona Qaaday Khabuuraha Daaro Ugaas
 

Jimco, Feberaayo, 26, 2021 (HOL) - Alle ha u naxariistee waxaa goordhaw soo gabagabowday Salaada Jannaasadda lagula Tukaday Meydka Ugaas xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Garoonka Kubadda Cagta Laqanyo ee magaalada Baledweyne ayaa lagula Tukaday Salaada Jannaasadda Meydka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif waxaana si wadajir ah uga qeyb galay Salaadda Jannaasadda boqolaal dad weyne ah oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada, Duubabka dhaqanka iyo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowlada soomaaliya maamulka Hirshabeelle iyo hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xuud.

Salaadda Jannaasadda kadib waxaa Meydka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif loo qaaday qabuuraha lagu magacaabo Daaro Ugaas oo ku yaala duleedka Degmada Halgan ee gobolka Hiiraan oo dhanka Koofureed kaga beegan magaalada Baledweyne ilaa 75 KM si halkaasi loogu aaso Meydka Ugaaskii Beelweynta Xawaadle Ugaas xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]