4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 23, 2021
Ra'iisal Wasaare Rooble oo ka tacsiyeeyay geerida Ugaas Xassan

 

Talaado, Feberaayo, 23, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa ka tacsiyeey geeridii ku timid alle ha u naxariistee Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa ehelka iyo qaraabadiisa iyo Ummadda Soomaaliyeedba uga tacsiyeeyey geerida naxdinta leh ee Ugaaka oo ka mid ahaa duubabka dhaqanka ugu waaweyn Soomaaliya.

“Waxaan qoyskiisa,Asxaabtiisii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ahaa duubabka dhaqanka Soomaaliyeed. Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelka & ummaddana sabir iyo iimaan Allaha ka siiyo.”

Waxaa sidoo kale geerida Ugaaska tacsiyeeyay inta badan hoggaamiayaasha Soomaalida ku tilmaamay in uu ahaa geesi hal adag oo aan runta ka gabban, waxaana ay alle uga baryeen in uu jannadii ka waraabiyo.

Ugaaska ayaa rumeysan yahay in uu u geeriyooday Cudurka Covid 19 toddobadyadii ugu danbeeyay galaaftay nolasha dad badan oo magac iyo maamuus ku dhax lahaa bulshada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]