4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 23, 2021
Saxafiyad Hoodo Gareys oo u jawaabtay ciidamada booliska Somaliland
 

Talaado, Febraayo, 23, 2021 (HOL)- Hood Gareys oo u jawaabtay afhayeenka booliska, ayaa ku eedaysay in uu kabeen abuuray siday wax u dhaceen, isla markaana xataa wakhtiga ay dhacdadu dhacday uu ka been sheegay.

Saxafiyad Hoodo Gareys oo warbaahinta cawa la hadashay, ayaa sheegatay in afhayeenka boolisku ku been abuurtay isla markaana aanu la shir iman wixii laga filayay.

“Bulshawaynta Soomaalidu waxay la socotay in nala dilay oo nala arbushay, waxa la sugayay dadkii madaxda u aha dadkii na laayay, waxayna ahayd jawaab loo wada dhagtaagayo oo la wada filayo, oo la is lahaa waxa kasoo bixi doona wax ama garwaaqsi ama garaw u ah inantaa iyo hooyaded.

Nasiib darro, xalay waxan warbaahinta ka arkay oo isasoo tagay afhayeenka ciidanka Faysal Xiis iyo saddex nin oo kale oo astaamo sarakiil ka muqdaan, lakiin gabigoodu aniga isku kay soo wada agtagay siday iigu jawaabi lahaayeen.

Waxan halkan usoo fadhiistay in aan ka hadlo been abuurka intaa leeg ee nalagula kacay, anagoo waliba dilan, oo jidh dilan, ee ah in inta lasoo istaago la yidhaahdo baabuur bay xoog kusoo galisay meesha” ayay tidhi Hoodo Garays.

Saxafiyada ayaa ka sheekasay beenaha ay ku andocoonayso in uu ka sheegay afhayeenka ciidanka booliska Somaliland.

“Afhayeenku wuxu yidhi dhacdadu waxay dhacday, 6:49 ama 7:11 pm si uu u waafajiyo xiliga uu gaadh ku ugu foojiganyahay, ee makhribka, xiligaaso laga shakiyi karo baaburta soo gasha, wuxu yidhi intay soo dagtay bay askarigii dhirbaaxo la dhacday, wuxu yidhi nootaayo sharciya ayay sexeexeen, wuxu yidhi cid baa arinkeeda dabada kasoo riixaysa”. ayay hadlkeeda sii raacisay saxafiyadu.

Hoodo aya sheegtay in xiliga ay dhacdadu dhacday ay hayd salaadii casar kadib uuna beenyahay hadalka taliyaha ee ah in ay ahayd xili fiid ah, sidokalena waxay sheegtay in anay gaadhiga xoog kusoo galin saldhiga balse ay baarkinka dhigtay markii askarigu u sheegay, isla markaana anay jirin askari ay dhirbaaaxo la dhacday.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]