4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 23, 2021
Wafdi ka socday beesha caalamka oo Kismaayo kula kulmay madaxweynaha Jubbaland
 

Talaado, Feberaayo, 23, 2021 (HOL) - Wakiillo ka socday Saaxiibbada Soomaaliya oo uu hoggaaminayay danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa booqday magaalada Kismaayo, halkaas oo ay kula kulmeen madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Booqashadan ayay sheegeen in ay qayb ka tahay dadaallada Socda oo ay kula kulmayaan saxiixayaasha heshiiskii 17-kii Sebteembar ee doorashooyinka Soomaaliya.

Wakiillada beesha caalamka ayaa dhegaystay walaaca Jubaland ee ku saabsan hannaanka horay u socod ee doorashada.

Warar aan helayno waxay sheegayaan in madaxweynaha Jubbaland lagala hadlay inuu Muqdisho tago kana qeyb galo shirka wadatashiga ee madaxweyne Farmaajo shaaciyay.

Maalintii shalay ayay ahayd markii sidaan oo kale, wafdi ka socday beesha caalamka oo wakiilka midowga Yurub uu hoggaaminayay ay Garowe ugu tageen madaxweyne Deni, iyagoo kala hadlay arrimaha doorashada.

Safarada ay wakiiladda beesha caalamka ku tageen Puntland iyo Jubbaland ayaa la filayaa inuu daba socdo baaqyadii Puntland iyo Jubbaland, ee ahaa in beesha caalamka damaanad ka noqoto shirka Muqdisho.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]