4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 23, 2021
Cismaan Dubbe'' 19 Febraayo wixii ka dhacay Muqdisho waxey ahaayeen isku day afganbi

 

Talaado, Feberaayo, 23, 2021 (HOL) -  Wasiirka Wasaarradda Warfaafintan Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in wixii ka dhacay 19kii bishan Febraayo magaalada Muqdisho ahaayeen isku day afganbi.

Wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay in uu qof isaga dhawaaqo in dalka aysan wax dowlad ah ka jirin, isaga oo waliba shir jaraa'id ku qabanaya ilinka hore ee madaxtooyada Soomaaliya ''  19 Febraayo wixii ka dhacay Muqdisho waxey ahaayeen isku day afganbi, inta ciidamo la soo kaxeyto alaabkii madaxtooyada la yimaado oo la yiraahdo anaa ka dowlad ah halkan oo dalka dowlad kama jirto, shaqsigaa cidda soo abaabushay ee caqligaa keentay ayaa ka mas'uul ah wixii dhacay maalintaa ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka.

Wuxuu sheegay in tallaabada noocaa ah aysan jirin dowlad aqbali laheyd isaga oo tusaale u soo qaatay madaxtooyada Kenya''  Bal ka warran haddii State House ka Nairobi halka uu deggan yahay Uhuru Kenyatta inta aad Afar Tikniko ah la tagto tiraahdo madaxweyne ma jiro madaxweyne ku-xigeenna ma jiro, sidee  ayuu arinku noqon lahaa, ciidamadu howshooda ayeey qabsan lahaayeen ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in aysan marnaba aqbali doonin tallaabooyinka noocaa ah ee lagu burburinayo Qarannimada, iyaga oo waliba xili kasta u taaggan ayuu yiri in ay cadawgga la diriraan.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xili maalintii shalay mar kale midowga musharixiinta ku baaqeen dibadbax kale oo Jimcaha ka dhacaya fagaaraha Daljirka Dahsoon kaa oo looga soo horjeedo madaxweyne Farmaajo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]