4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 23, 2021
Jubbaland ''Muqdisho ma'aha xiliggan meel shir lagu qaban karo

 

Talaado, Feberaayo, 23, 2021 (HOL) -  Jubbaland ayaa mar kale ku celisay mowqifkeeda ku aadan ka qeybgalka shirka  ay ku baaqday madaxtooyada Soomaaliya ee lagu waddo in uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaarradda Warfaafintan Jubbaland Cabdi Xusseen Maxamed ayaa sheegay in magaalada Muqdisho xiligan aheyn magaalo leysku laheyn karo kaddib dhacdadii 19 bishan Febraayo  isaga oo yiri'' Waa la ogaa wixii toddobaadkii hore ka dhacay Muqdisho, meel leysku haleyn karo oo amnaankeedu sugan yahay ma'aha, Jubbaland shirkaa waxey ka qeybgaleysaa marka madaxda dowladdu raali-galin ka bixiyaan wixii dhacay 19kii Febraayo, kadibna leysku raaco goob Amni ah oo leysku haleyn karo sida xarunta Xalane oo ay deggan yihiin safaaraddaha caalamku.

Wuxuu sheegay in Muqdisho xiligan tahay meel sharcigu hooseeyo oo awood leysku maquuninayo, ''' Waa meel sharcigu hooseeyo oo awood ciidan iyo xoog leysku maquuninayo, sidaa daraadeed goob noocaas ah horeyna waan u sheegnay wax shir ah oo ka dhici karaa ma jiro ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Qoraal shalay ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa loogu baaqay madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland in ay ka soo qeybgalaan shirka Muqdisho ee looga hadlayo dhameystirka go'aamadii ka soo baxay shirkii Baydhabo ee la xiriiray dhameynta khilaafka ka taagan doorashada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]