4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 22, 2021
Somaliland: xiliga la qabanayo shahaadooyinka musharixiinta oo lagu dhawaaqay
 

Isniin, Febraayo, 22, 2021 (HOL)- shirjaraa’id oo ay siwadajira u qabteen, guddida tacliinta sare iyo xafiiska imtaxanaadka ee Somaliland, ayaa lagu shaaciyay, in maalinta bari ah ee 23 ka bishna Febraayo, ay bilaabmayso qabashada shahaadooyinka jamacada iyo dugsiga sare ee musharixiinta.

Shirkan jaraa’id ee ay sida wada jir ka ah u qabteen, guddida tacliinta sare iyo xafiiska imtaxanadka ayaa lagu shaaaciyay in laga bilaabo maalinta bari ah, ay dhamaan musharixiinta u tartamaysa doorashada golayaasha deegaanka iyo wakiiladu ay soo xerayn karaan shahaadooyinkooda cadaynaya heer kooda tacliineed.

“waxanu joognaa xafiiskii imtaxanad ka guud ee qaranka, anaga iyo xafiiska imtaxanad ku runti waxanu ka duulaynaa, gudida doorashooyinka oo caddaysay, rool kii aanu ku lahayn taclinta sare iyo qolada imtaxanad kuba, sigaara hadanu nahay qolada tacliinta sare, anaga gaar waxa noo khuseeya qolada laga rabo, shahaadada Degree ga (heerka koobaad ee jamacada) oo ah todoba dagmo, Borama, Gabilay, Hargaysa, Berbera, Burco, Ceerigaabo iyo Laascaanod, maxayeelay dagmooyinkasi waa dagmooyin A ah, qoladasa laga rabaa Degree ga. 23 ka kale ee dagmo ee B da iyo C du waxay shahaadooyin kooda gaynayaan xafiiska imtaxanad ka.” waxa sida yidhi gudoomiyaha guddida tacliinta sare prof Saleebaan Dirir.

Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray in qolada ka sharaxan dagmooyinka A da ah laga rabo in ay soo xereeyaan shahadada jamacada iyo tii dugsiga sare labadaba.

Gudoomiyaha xafiiska imtaxanadka ayaa isna sheegay in musharixinta laga rabo shahadada dugsiga sare, oo ah kuwa ka sharaxan dagmooyinka darajada B da iyo C da, ay shahaadooyinkooda keenayan xafiiska imtaxanadka, isla markaana sheegay in sababta shahaadoyinka loo rabaa ay tahay in dad aqoon lihi isasoo sharaxaan.

“Danta aanu ka leenahay waxa weeyi, in dad waxgaranayaa ay meesha tagaan, oo aynu ka korno qof iska yimid, oo aan aqoon lahayn, markaa shahaado ayaa lagu xidhay, xeerka ayaana ku xidhay iyo guddida doorashooyinka, dagmooyinka B da iyo C da musharixiinta ka sharaxani halkan xafiiska imtaxanadka ayay keenayan shahaadooyinkooda”. gudoomiyaha xafiiska imtaxanadka Somaliland Da’ud Axmed Farax ayaa sida yidhi.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]