4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 22, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya dab khasaare geystay oo ka kacay Warshad ku taala Baledweyne
 

Isniin, Feberaayo, 22, 2021 (HOL) - Dabkan oo socday saacado xiriir ah ayaa ka kacay habeenimadii xalay Warshada sameeysa Joodariyaasha oo ku taala deegaanka Ceeljaalle ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dabka ayaa la sheegay in markii hore uu ka kacay qeyb ka mid ah xarunta Warashada kaasoo markii dambana ku faafay qeybaha kale ee Warashada.

Dabkan ka kacay Warshada Joodariyaasha Baledweyne ayaa la sheegay inuu ka dhashay koronto, waxaana dadka deegaanka Ceeljaalle oo isugu soo baxay daminta dabka oo adeegsanayay biyo iyo carro si aay u damiyaan dabka sii faafayay, iyagoona markii dambe ku guuleystay iney baqtiyaan dabka ka kacay gudaha xarunta Warshada Isbuunyada Joodariyaasha Baledweyne.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Shabakadda HOL u sheegay in dabka uusan geysan khasaare nafeed balse uu geystay khasaare hantiyadeed.

Magaalada Baledweyne oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn dalka Soomaaliya malahan wax gadiid dab damis ah, kaasoo baahidiisa aad loo dareemo xiliyadan oo kale marka uu dab ka kaco gudaha Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]