4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 21, 2021
DF Soomaaliya '' waxaan ka digeynaa qoraalada marin habaabinta ah ee iska idho tiraya xaalada Soomaaliya

Axad, Feberaayo, 21, 2021 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay qoraal ka soo baxay qaar ka mid ah dalalka caalamka oo looga hadlayay xaalada Soomaaliya ee xiligan kuwaa oo ay ku tilmaamtay in ay yihiin qoraalo marin habaabin ah

Qoraa ka soo baxay Wasaarradda ayaa lagu yiri siddan“Dowladda federaalka waxaa ay soo dhoweyneysaa walaaca ay muujiyeen dalalka aan walaalo nahay iyo urur goboleedyada ay Soomaaliya xubinta ka tahay, kuwaas oo soo saaray qoraallo la xiriira is-mari waaga siyaasadeed ee ka taagan hirgelinta doorashooyinka, qoraalladaas oo waafaqsan mowqifka dowladda federaalka.”

Dowladda Soomaaliya waxaa ay garowsan tahay baahida loo qabo in doorasho laga qabto dalka, sidaas darteedna ay ka tanaasushay arrimo badan oo ay isku hayeen dowlad goboleedyada, kuwaas oo ay ka mid aheyd doroasho qof iyo cod ah, si loo gaaro heshiiskii September 17. 

Nasiib darro, ayada oo uu jiro heshiiskaas, iyo rabitaanka dowladda federaalka Soomaaliya ay wax uga qabaneyso walaacyada jira, saameynta quwado shisheeye ayaa weli caqabad ku ah in lasoo geba-gebeeyo heshiis dhabbaha u xaaraya doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda.

Waxaan digeynaa qoraallada marin-habaabinta ah ee iska indha tiraya xaqiiqaha mararka qaarna u muuqda inay taageerayaan kacdoonka rabshadeysan, kuwaas oo ka imanaya meelaha qaar, ee aan ognahay ficillada xun ee ay ka wadaan gobolka, si been ahna isaga dhigaya inay mas’uul ka yihiin mustaqbalka dal kale, si ka hor-imanaysa mabaadi’da iyo xeerarka caalamiga ah.

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]