4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 2 , 2021
9 ruux oo lagu dilay weerar dhabo-gal ah oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

 

Talaado, Feberaayo, 02, 2021 (HOL) - Inta la xaqiijinayo 9 ruux oo toddobo ka mid ah ahaayeen ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen weerar dhabo gal ah oo lagu qaaday ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo galbinayay gaadiid dhuxul siday.

Weerarkan ayaa ka dhacay Tuulada lagu magacaabo Doonka oo 10km u jirta degmada Afgooye, waxaana marka laga soo tago ciidanka dowladda oo labo ka mid ah dadka dhintay lagu sheegay in ahaayeen darawalo wadday gaadiidka dhuxusha siday.

Sidoo kale waxaa ay wararku sheegayaan in qaar ka mid ah gaadiidka xamuulka ah ee dhuxusha siday gadoomeen kaddib markii darawalada ay qalqaleen markii ay rasaastu bilaabatay.

Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa si kooban uga hadlay weerarkan iyaga oo sheegay oo kaliya in ay wadaan baaritaan arintan ku saabsan.

Weerarkan ayaa lagu waramayaa in ay geysteen xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab oo marar badan oo hore u digay dadka ka ganacsada dhuxusha.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]