4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 2 , 2021
Madaxwayne Muuse Biixi “ Soomaaliya dad baanu iskugu xignaa”
 

Talaado, Febraayo, 02, 2021 (HOL)- Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo manta ka qayb galay sanad guurada 27aad ee as aaska ciidamada qalabka sida ee Somaliland, ayaa sheegay in uu ka xunyahay dhibatada ay ku jiraan dadka Soomaaliyed isla markaana ay Somaliland cawin lahayd hadii ay reer Soomaaliya qiri lahayeen qaranimada Somaliland.

Madaxwaynaha Somaliland oo jeediyay qudbad dhinacyo badan taabanaysay ayaa sheegay in ay isaga iyo shacabka Somaliland ba ka xunyihiin dhibatada ka socota Soomaaliya isaga oo arinta ka hadlayana waxa uu yidhi:-

“Soomaaliya dadna waynu isugu xignaa oo waa Soomaali, waa muslim, dhibatada gaadha way ina damqaysa, waa u ducaynaynaa uun wax kale uma qaban karnee, hadii aynu itaal wayn lahan lahayn oo iyaguna waxa aynu nahay garan lahayen oo siday u fikirayan si ka duwan u fikiri lahayen dadkooda iyo dawladoodu, manta tabaladooda iyo waxtar kooda dadka ugu dhaw ee qaban laha baynu nahay”.

Dhinaca kale madaxwaynaha ayaa sheegay sida uu uga murugooday dilkii Janeral Galal iyo dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay Hotel Afrik ee magalada Muqdisho, isaga oo sheegay in uu aqoon fiican ulahaa Alle ha unaxaristee Janeralka wuxuna yidhi:-

“waxan aad iyo aad uga xunahay maalin walba dadka dhimanaya, ee dhiigoodu daadanayo ee muslim ka ah ee Soomaalida ah ee aanu hebel iyo hebel u garanayno, oo ay ugu danbeeyen kuwii shalay Hotel Afrik lagu leeyay, ee uu ugu danbeeya Jeneral Galal oo aan shakhsiyan aad iyo aad u aqanay oo aha oday Soomaaliyed, oo waliba qadiyada Somaliland dadka xogogalka u ah ee waxay ku fadhido garanaya aha aad iyo aad baan ugu tacsiyaynayaa qoyskiisi iyo qarabadiisi”.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]