Hiiraan Online
3/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Feb 2 , 2021
Madaxweynaha Puntland oo sababo amni darteed uga dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadaado
Talaado, Feberaayo, 02, 2021 (HOL) - Madaxwyenaha Puntland Siciid Deni iyo wafdi uu hoggaaminayay oo maanta duhurkii ka ambo baxay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa ka dagay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.
Madaxweyne Deni ayaa safar dhulka ah ugasii gudbay magaalada Dhuusomareeb halkaas oo uga qeyb galayo shirka wada tashiga dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah.
Warar aan helnay waxay sheegaya in madaxweyne Deni sababo amni awgeed uu uga baaqsaday inuu ka dago garoonka diyaaradaha Dhuusomareeb halkaas oo xalay ay madaafiic ku garaaceen Alshabaab.
Madaxweyne Deni waxaa galbiyay ciidamo aad u badan oo kagasii horeeyay Cadaado iyo gaadiid dagaal oo suga amnigiisa inta uu ku sugan yahay magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug.
Ammaanka magaalada Dhuusmomareeb ayaa walwal laga muujiyay kadib madaafiicda lagu weeraray, inkastoo ciidanka amnigu sheegeen in la qaarajiyay kooxdii ka dambaysay lanasoo bandhigay maydadkoodii.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
9 ruux oo lagu dilay weerar dhabo-gal ah oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose
2/2/2021 12:41 PM EST
Talaado, Feberaayo, 02, 2021 (HOL) - Inta la xaqiijinayo 9 ruux oo toddobo ka mid ah ahaayeen ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen weerar dhabo gal ah oo lagu qaaday ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo galbinayay gaadiid dhuxul siday.
Gudoomiyaha Xisbiga Wadani oo bogaadiyay golaha guurtida Somaliland
2/2/2021 10:57 AM EST
Talaado, Febraayo, 02, 2021 (HOL)- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaridka ah ee Wadani Md. Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi (Cirro) ayaa Golaha Guurtida Somaliland ku hambalyeyay go’aan kii ay mudada doorashada dib ugu soo dhigeen.
Madaxwayne Muuse Biixi “ Soomaaliya dad baanu iskugu xignaa”
2/2/2021 9:24 AM EST
Talaado, Febraayo, 02, 2021 (HOL)- Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo manta ka qayb galay sanad guurada 27aad ee as aaska ciidamada qalabka sida ee Somaliland, ayaa sheegay in uu ka xunyahay dhibatada ay ku jiraan dadka Soomaaliyed isla markaana ay Somaliland cawin lahayd hadii ay reer Soomaaliya qiri lahayeen qaranimada Somaliland.
Ciidanka Gorgor oo soo bandhigay Shabaabkii madaafiicda ku garaacay Dhuusomareb
2/2/2021 7:43 AM EST
Talaado, Feberaayo, 02, 2021 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka ayaa soo bandhigay meydadka dhowr qof oo lagu sheegay in ay xalay hoobiyaasha ku tuureen magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.
Dowladda Maraykanka oo sheegtay in ay sii wadayso tababarada ay siinayso ciidamada Danab
2/2/2021 6:11 AM EST
Talaado, Feberaayo, 02, 2021 (HOL) - Militariga Mareykanka ayaa qabtay tababarkii ugu horreeyay ee ay siinayaan ciidamada Soomaaliya kadib markii dhowaan inta badan ciidamadii Mareykanka ee Soomaaliya ku sugnaa ay ka baxeen.
Axmed Madoobe oo gaaray magaalada Dhuusa-Mareeb
2/2/2021 4:00 AM EST
Talaado, Feberaayo, 02, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa goor dhaw gaaray magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta dowlad gobolleedka Galmudug.
Galmudug oo sheegtay in ay dishay xubno ka tirsan ururka Al-shabaab oo adeegsanayay hoobiyayaal
2/2/2021 3:19 AM EST
Talaado, Feberaayo, 02, 2021 (HOL) - Afhayeenka maamul Galmudug ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed jawaab ka bixiyeen weerar hoobiyayaal ah oo xalay Al-shabaab ay ku qaadeen magaalada Dhuusa-Mareeb.
Golaha guurtida Somaliland oo aqbalay codsigii madaxwaynaha iyo asxabta mucaridka
2/2/2021 3:13 AM EST
Talaado, Feberaayo, 02, 2021 (HOL) - Golaha guurtida ee Somaliland oo saaka kulan labad yeeshay ayaa aqbalay codsigi madaxwayne Biixi iyo asxabta mucaridka ee aha in ay gudida doorashoyinka ku waa faqan wakhtiga ay doorashooyinka isku sidkan ee golayasha deeganka iyo wakiiladu ka qabsomayan Somaliland oo ay hore gudida doorashoyinku ugu mudeeyen 31 bisha May 2021.
Madaxweyne Farmaajo oo shir guddoomiyay kulan hor dhac u ah shirka Dhuusa-Mareeb
2/2/2021 12:14 AM EST
Talaado, Feberaayo, 02, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa guddoomiyey kulan hordhac u ah shirka wadatashiga heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee ku saabsan dardar galinta hannaanka doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo maanta ku wajahan Dhuusa-Mareeb
2/2/2021 12:09 AM EST
Talaado, Feberaayo, 02, 2021 (HOL) - Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda gaaraan magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Galmudug.
Hoobiyayaal khasaare geystay oo lagu weerarray magaalada Dhuusa-Mareeb
2/2/2021 12:03 AM EST
Talaado, Feberaayo, 02, 2021 (HOL) - Inta la xaqiijinayo Afar ruux ayaa ku dhaawacantay tiro hoobiyayaal ah oo xalay saqdii dhexe lagu weeraray magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta dowlad gobolleedka Galmudug, halkaa oo ay ku sugan yihiin madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada.
Somali News
Tigray crisis: Ethiopia region at risk of huge 'humanitarian disaster'
-
BBC
2/2/2021 4:34 PM EST
Opposition parties in Ethiopia's Tigray region have warned of a huge "humanitarian disaster" if aid is not delivered urgently. The parties said people were already dying from hunger.....
SNA display bodies of militants killed after mortar shell attacks in Dhusamareb
-
HOL
2/2/2021 9:10 AM EST
MOGADISHU (HOL) - Security forces in Dhusamareb have displayed the bodies of three suspected Al-Shabaab militants whom they said were responsible for the mortar shelling on the town last night targeting President Mohamed Farmaajo and regional state leaders.
Madobe arrives in Dhusamareb for electoral talks
-
HOL
2/2/2021 7:52 AM EST
MOGADISHU (HOL) - Jubbaland president Ahmed Madobe has landed in Dhusmareb to join President Mohamed Farmaajo and other regional governments leaders for the fourth round of electoral talks in the central Somalia town.
Somalia: 3 al-Shabaab militants killed after mortar attack
-
Anadolu Agency
2/2/2021 7:12 AM EST
Somalia on Tuesday killed three al-Shabaab terrorists who carried out a mortar attack aimed at targeting a high-level government delegation in the central city of Dhusamareb, local media reported.
PrimaryOne Health tackling language barriers for vaccine questions
-
WCMH-TV
2/2/2021 12:43 AM EST
Columbus (WCMH) – Last week PrimaryOne Health held their first vaccine pop-up site for people ages 75 and up. They know as more vaccinations are coming, they need more hands-on-deck, especially those who are bilingual speakers.
Top US lawmaker vows to reverse Trump’s ‘insulting’ Africa policy
-
AlJazeera
2/2/2021 12:31 AM EST
Gregory Meeks, chair of House Foreign Affairs Committee, says he will seek to move Africa to ‘the front burner’.
Mogadishu Hotel Attack Death Toll Rises to 15
-
VOA
2/2/2021 12:16 AM EST
WASHINGTON/MOGADISHU - The death toll from Sunday’s assault on a hotel in Somalia’s capital has risen to 15, with at least 20 others injured, according to a police spokesman and medical officials in Mogadishu.
Mortar attack wounds several people in central Somalia
-
AA
2/2/2021 12:07 AM EST
Mortar shells rain down on Dhusamareb city after Somali president, prime minister, senior officials arrive for conference