4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 2 , 2021
Ciidanka Gorgor oo soo bandhigay Shabaabkii madaafiicda ku garaacay Dhuusomareb
 

Talaado, Feberaayo, 02, 2021 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka ayaa soo bandhigay meydadka dhowr qof oo lagu sheegay in ay xalay hoobiyaasha ku tuureen magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Saraakiisha ciiddanka xoogga ayaa sheegay in maydadka lasoo badhigay oo ahaa saddex qof ay ka tirsanaayeen kooxda Al-shabaab uuna ku jiro horjoogihii kooxda u qaabilsanaa deegaanada u dhexeeya Ceelbuur iyo Dhuusamareeb.

Saraakiishu waxay kaloo sheegeen in lasoo qabtay nin kale oo dhaawac qaba iyo afar qori oo ay Ciidamadu ka furteen dableydan, kadib markii Ciidanka Gor-Gor ay weerar ku qaadeen goobaha ay dablaydan ku dhuumaalaysanayeen.

Madaafiicdii xalay lagu weeraray magaalada Dhuusomareeb ayaa kusoo beegantay xilli uu halkaas ku sugan yahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo qaar kamid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, iyadoo halkaas uu  shirka wada tashiga ka furmayo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online