4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 2 , 2021
Dowladda Maraykanka oo sheegtay in ay sii wadayso tababarada ay siinayso ciidamada Danab
 

Talaado, Feberaayo, 02, 2021 (HOL) - Militariga Mareykanka ayaa qabtay tababarkii ugu horreeyay ee ay siinayaan ciidamada Soomaaliya kadib markii dhowaan inta badan ciidamadii Mareykanka ee Soomaaliya ku sugnaa ay ka baxeen.

Taliyaha Ciidamada Cirka ee Mareykanka Maj. Gen. Dagvin Anderson ayaa tababarkaan ku tilmaamay tallaabo muujineysa in uu Maraykanku weli daacad u yahay Soomaaliya iyo dagaalka ay kula jiraan Alshabab.

Saraakiisha Maraykanka ayaa saxiixay heshiis laba geesood ah uu u ogolaanayo Mareykanka inuu siiyo tababaro kala duwan, talooyin iyo taakuleyn ciidamada Danab ee dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale ka caawiyay ciidamada Danab qorshooyinka howlgalka mustaqbalka. Afhayeen u hadlay AFRICOM ayaa diiday inuu ka hadlo tirada saraakiisha ka qeyb galay tababarka.

"Hadafkeenu isma bedelin," ayuu yiri Anderson. "Waxaan taageeri doonnaa wada-hawlgalayaashayada meel kasta oo aan joogno. Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno iskaashigeenna adag ee gobolka oo dhan aan kula jirno dagaalka wadajirka ah ee ka dhanka ah xag-jirnimada."

Bishii Diseembar, waaxda gaashaandhigga waxay xaqiijisay in madaxweynihii hore Donald Trump uu amar ku bixiyay in Soomaaliya laga saaro 700 oo askari.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online