4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 2 , 2021
Axmed Madoobe oo gaaray magaalada Dhuusa-Mareeb

 

Talaado, Feberaayo, 02, 2021 (HOL) -  Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa goor dhaw gaaray magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta dowlad gobolleedka Galmudug.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweynaha martida loo yahay ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo xubnihiisa gollaha Wasiirradda.

Saacadaha soo socda ayaa lagu waddaa sidoo kale uu gaaro magaalada Dhuusa-Mareeb madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana galinka danbe ee maanta lagu waddaa in uu ka furmo shir looga arrinsanayo doorashada dalka iyo dhameynta wixii khilaafaad ah ee jira.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]