4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 2 , 2021
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo maanta ku wajahan Dhuusa-Mareeb

 

Talaado, Feberaayo, 02, 2021 (HOL) - Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda gaaraan magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Galmudug.

Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa ka qeybgalaya shir looga arrinsanayo doorashada dalka oo halkaa uga furmaya madaxda Federaalka, Dowlad Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan oo uu ku baaqay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa gadaal ka riixaya beesha caalamka oo hoggaamiyayaasha Soomaalida ku cadaadinaya in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhameeyaan khilaafka ka taaggan doorashada.

Maanta galinka danbe ayaa la filayaa in uu shirkan ka furmo Dhuusa-Mareeb, waxaana si gaar ah diirrada loogu saari doonaa hergalinta heshiiskii 17kii September 2020 ee la xiriira hannaanka qabsoomida doorasho loo dhan yahay, iyo dhameynta wixii khilaafaad ah ee ku gadaaman in doorashada horey loo dhaqaajiyo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]