4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 2 , 2021
Hoobiyayaal khasaare geystay oo lagu weerarray magaalada Dhuusa-Mareeb

 

Talaado, Feberaayo, 02, 2021 (HOL) -  Inta la xaqiijinayo Afar ruux ayaa ku dhaawacantay tiro hoobiyayaal ah oo xalay saqdii dhexe lagu weeraray magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta dowlad gobolleedka Galmudug, halkaa oo ay ku sugan yihiin madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad  gobolleedyada.

Ilaa toban madfac oo loo adeesaday qoriga hoobyaha ayaa lagu waramayaa in ay ku dhaceen qeybo ka mid ah xaafaddaha degmada Dhuusa-Mareeb iyo xarumo ay degganaayeen mas'uuliyiin ka tirsan Galmudug.

Dadka hoobiyeyaasha ku dhaawacmay ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Dhuusa-Mareeb,  iyadoo dhinaca kalana ay saameyn ku yeesheen madaafiicdan shirar u socday xalay qaar ka mid ah mas'uuliyiinta ku sugan Dhuusa-Mareeb oo qaarkood laga soo wareejiyay halkii ay deggenaayeen.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble ayaa ka mid ah mas'uuliyiinta ku sugan magaalada Dhuusa-Mareeb, waxaana horey u sii joogay madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]