4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 19, 2021
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si kulul uga hadlay rasaas loo adeegsaday dad banaanbaxaayay
 

Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) - Siyaasiga caanka  ah ahna hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa goordhaw si kulul uga hadlay rasaas aay ku fureen ciidanka dowladda dad banaanbaxayaal ah aay hoggaaminayeen qaar ka mid ah midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay jn rasaas xoogaan oodda looga qaaday dadka shacabka ah iyo hoggaamiyaashooda xili aay ku banaanbaxayeen si nabad ah waxuuna tilmaamay in ciidamada xabadaha ku furay banaanbaxayasha aay ahaayeen kuwa si gaar ah uga amar qaata madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

"Maleeshiyaadka rasaasta oodda uga qaaday shacabka iyo qaar ka mid hoggaamiyaasha midowga Musharaxiinta  ee sidda nabadda ah ku mudaaharaadayay waxay ahayeen kuwa ka amar qaata kaligii taliska waqtigiisa dhamaaday ee ina Farmaajo dambiga ayayna kusii badineysa, way dhawdahay maalintii marinkooda la marin lahaa reer muqdisho waxaan leeyahay waad aragteen dhiigya cabka, waxaa idiin dhiman inaad iska dhicisaan" ayuu yiri Cabdiraxmaan  Cabdishakuur Warsame.

Hadalka siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur aya imaanaya xili maanta magaalada Muqdisho rasaas lagu kala ceyriyay dad dibadbaxayaal ah oo aay hoggaaminayeen xubno ka tirsan midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]