4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 19, 2021
Rasaas lagu joojiyay dibadbax ay horkacayeen Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Xassan Cali Kheyre iyo CC Shakuur

 

Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) - Ciidamada dowladda ayaa rasaas ku furay dibadbaxayaal ay horkacayeen Ra'iisal Wasaarihii hore ee dalka Xassan Cali Kheyre iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame xili ay ku dhawaayeen Isgoyska KM4.

Dadka dibadbaxa ku wehlinayay siyaasiyiintan ayaa markii ay rasaastu ku bilaabatay la arkayay iyaga oo kala firxanaya, kaddib markii ay ciidamada dowladda u adeegsadeen hub culus.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal kooban soo dhiggay bartiisa Facebook  ayaa yiri  ''Maleeshiyaadka xabadda ooda uga qaaday shacabka iyo hogaamiyayaalka sida nabadda ah u mudaaharaadayey ee ka amar qaataan kali taliska xilligiisa dhamaaday ee ina Farmaajo danbiga ayeey  isku sii badinayaan Way dhowdahay maalintii marinkooda la marin lahaa. Reer Muqdisho waxaan leeyahay dhiigya cabka waad aragteen, waxaa idiin dhiman in aad iska dhicisaan

Laakiin dowladda Soomaaliya ayaa kol horeba ka digtay in ay dadku isku soo baxaan, laakiin siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku adkeystay in maanta oo Jimco ah dhigayaan dibadbax sida ay hadalka u dhiggeen ay ku dalbanayaan Dimuquraadiyad iyo waliba in dalka doorasho deg deg ah ka dhacdo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]