4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 19, 2021
Dibadbax kooban oo ka soconaya waddada gasha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

 

Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) -  Kaddib markii ciidamada dowladda is hortaag ku sameeyeen dibadbax balaaran oo qorshuhu ahaa taageerayaasha mucaaradka in ay isugu soo baxaan taalada Daljirka Dahsoon, ayaa dhinaca kale waxaa uu dibadbax kooban xiliggan ka soconayaa waddada gasha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dadka dibadbaxa dhigaya ayaa waxaa wehlinaya oo kala qeybgalaya isku soo baxa Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Laakiin haddana looma oga dibadbaxayaashu in ay ku dhaqdhaqaaqaan magaalada oo Isgoys walba waxaa ku go'an gaadiidka dagaalka iyo ciidamo aad u hubeysan oo kuwa dowladda ah.

Dadka ka qeybgalaya isku soo baxaya ayaa ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa...

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]