3/4/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 19, 2021
DF iyo Midowga Musharixiinta oo siyaabo kala duwan uga hadlay weerarkii xalay


 

Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war kooban ka soo saartay dagaalkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeysay dhinaca mucaaradka in ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

War ka soo baxay Wasaarradda Amniga ayaa u dhignaa siddan '' "Malleeshiyaad hubaysan ayaa caawa saacadda markay ahayd 1-dii habeenimo (1am)soo weeraray baraha Ciidamada Qalabka Sida ay ku leeyihiin qaybo kamid ah caasimadda Muqdisho." 

Laakiin dhinaca kale hoggaanka Midowga Musharixiinta oo hadallo kala duwan jeediyay ayaa dhamaantood si isku mid ah dowladda ugu eedeeyay dowladda in ay weerarkaasi soo qaadeen ciidanka dowladda.

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa yirii “Waxaan umadda Soomaaliyeed u caddeynayaa in weerar gardarro ah ay nagu soo qaaday dowladda, iyagoo kusoo duulay Hoteelka Maa’ida oo aniga madaxweyne hore Xasan Sheekh iyo xubno kamid ah midowga murashaxiinta aan deganahay.

Wuxuu Shariif Sheekh Axmed ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu amray weerarkii xalay.

Sidaa si la mid ah waxaa weerarkan cambaareeyay daandaansi dagaalna ku tilmaamay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, Shariif Xassan Sheekh Aadan, iyo Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.

Afhayeenka Midowga Musharixiinta Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta la hadlay dhankiisa warbaahinta ayaa sheegay in dibadbaxii ay ku baaqeen uu sidiisii yahay islamarkaana uu dhacayo saakay oo JImco ah, halka dhinaca kalana dowladdu mamnuucday Isku-imaatinka dadweyne.

Lama oga in saakay uu dhacayo dibadbaxa ay ku baaqeen mucaaradka iyo in kale, madaama isgoysyada dhamaan magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda oo xalay saqdii dhexe la soo dhiggay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 














Click here
2/19/2021 2:48 PM EST
Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) -Maamulka Jubbaland ayaa war ka soo saaray Iska horimaadyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kaddib markii ay isku dhaceen ciidamada dowladda iyo taageerayaasha musharixiinta mucaaraadka.

2/19/2021 11:51 AM EST
Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) - Puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay rabshadihi ka dhacay Muqdisho oo abuuri kara qalalaaso iyo xasilooni daro ka aloosanta dalka.

2/19/2021 7:55 AM EST
Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay rabshadihii xalay iyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

2/19/2021 7:28 AM EST
Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) - Siyaasiga caanka ah ahna hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa goordhaw si kulul uga gadlay rasaas aay ku fureen ciidanka dowladda dad banaanbaxayaal ah aay hoggaaminayeen qaar ka mid ah midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.

2/19/2021 5:45 AM EST
Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhacayay xalay iyo saakay oo jimco ah.

2/19/2021 4:04 AM EST
Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) -Waxaa la arkayay Uuro iyo qiic madow oo hawadda isku shareeray kaddib markii madaafiic lagu tuuray garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

2/19/2021 3:56 AM EST
Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in isaga iyo musharixiin kale oo dhowr ah ay ka badbaadeen sida uu hadalka u dhiggay isku day dil oo la doonayay in lagu khaarajiyo.

2/19/2021 2:52 AM EST
Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) - Ciidamada dowladda ayaa rasaas ku furay dibadbaxayaal ay horkacayeen Ra'iisal Wasaarihii hore ee dalka Xassan Cali Kheyre iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame xili ay ku dhawaayeen Isgoyska KM4.

2/19/2021 2:08 AM EST
Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) - Kaddib markii ciidamada dowladda is hortaag ku sameeyeen dibadbax balaaran oo qorshuhu ahaa taageerayaasha mucaaradka in ay isugu soo baxaan taalada Daljirka Dahsoon, ayaa dhinaca kale waxaa uu dibadbax kooban xiliggan ka soconayaa waddada gasha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

2/19/2021 12:07 AM EST
Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) - Qeybaha kala duwan ee ciidamada dowladda oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa xirray dhamaanba Isgoysyada iyo Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho iyadoo loo diiddayo isticmaalka dadka iyo gaadiidka.