4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 18, 2021
Midowga Musharixiinta oo kormeeray taallada Daljirka Dahsoon

 

Khamiis, Feberaayo, 18, 2021 (HOL) -  Midowga Musharixiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa galabta kormeeray taallada Daljirka Dahsoon oo lagu waddo in maalinta Berri ah uu ka dhaco dibadbaxa ay kol hore ku baaqeen mucaaradka.

Xubnaha Midowga Musharixiinta ee taggay taallada Daljirka Dahsoon ayaa waxaa wehlinayay oo la socday ciidamo aad u hubeysan oo ku labisnaa dharka militariga Soomaaliya, kuwaa oo ilaalo xoog leh ka hayay agagaarka guud ahaan taallada oo ay ku sugnaayeen siyaasiyiinta mucaaradka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo dhinaca kalana ah guddoomiyaha midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay madaxweyne Farmaajo in shacabku dalbanayaan doorasho deg deg ah madaama muddo xileedkiisu dhamaaday.

“Madaxweynaha waqtigiisa waa dhamaaday maanta wixii ka dambeeya wuxuu kamid yahay Musharaxiintaas, cid colaad gaar ah u qabta ma jirto ee laakiin waxaa rabnaa sharciga in aan wada ilaalino,” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Shariif Sheekh Axmed ayaa intaa ku darray ''  “Madaxweyne waqtiga waa ka dhamaaday waxaa rabnaa doorasho in la aado, waxaa la aamisan yahay in doorashada adiga caqabad ku tahay ka hor leexo, mudahaaraadkan ujeedadiisu waa intaas”.

Dowladda Soomaaliya oo maalintii shalay si dadban uga hadashay mudaahaaraadka ay iclaamiyeen midowga Musharixiijnta ayaa sheegtay in la mamnuucay gabi ahaanba isku imaantinkasta oo dadweyne.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]