4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 17, 2021
Sawir qaade lagu dilay magaalada Muqdisho iyo faah faahin ka soo baxeysa

 

Arbaco, Feberaayo, 17, 2021 (HOL) - Cabdiqaadir Maxamed Xasan [Awalad Yare]  oo ahaa sawir qaade iyo  muuqaal duube siweyn looga garanayay magaalada Muqdisho ayaa lagu waramayaa in koox hubeysan ku dhax dileen gudaha Studio uu ku lahaa degmada Howl-wadaag.

Qof ay saaxiibo dhaw ahaayeen marxuumka oo la hadlay HOL ayaa sheegay in rag hubeysan subaxnimadii hore ee saakay ugu taggeen goobtiisa shaqada kaddibna ay halkaa ku toogteen.

Marxuumka ayaa caan ku ahaa duubista xafladdaha kala duwan sida Aroosyada iyo munaasabadaha kale ee leysugu yimaado, hasse ahaatee warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in uu ahaa  sawir qaade la shaqeeyn jiray taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay dilka marxuumka sidoo kalana wali kama aysan hadal laamaha Amniga dowladda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]