4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 17, 2021
Dowladda Soomaaliya oo hakisay isku imaatinada goobaha shaqada
 

Arbaco, Feberaayo, 17, 2021 (HOL) - Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumada Soomaaliya ayaa hakisay isku imaatinka shaqaalaha iyo xaadirintooda si looga fogaado faafidda Covid-19.

Wasaaradda ayaa amartay in shaqaalaha badankooda ay kusoo shaqeeyaan guryahooda iyagoo adeegsanaya aalada internetka, waxayna sheegtay in agaasimayaasha kaliya looga baahan yahay in ay xarumaha shaqada yimaadaan.

Go’aankaan ayaa soo baxay kadib markii wasaaradda caafimaadku ay sheegtay in uu soo labo kacleeyay cudurka Covid-19, loona baahan yahay tallaabo taxadar leh.

Ugu yaraan 9 qof ayaa shalay oo kaliya Muqdisho ugu geeriyooday cudurka covid-19, waxaana sidoo kale la diiwaan galiyay 100 xaaladdood oo cusub.

Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay in la yareeyo isku imaatinimada bulshada, xilli ay mucaaradku qorshaynayaan in jimcaha ay dhigaan mudaharaad ballaaran oo dowladda loogasoo horjeedo.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]