4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 16, 2021
Boqol Ruux oo 24kii saac ee la soo dhaafay laga helay cudurka Covid 19 gudaha dalka Soomaaliya

 

Talaado, Feberaayo, 16, 2021 (HOL) - War ka soo baxay Wasaarradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in baaritaannadii ugu danbeeyay ee la sameeyay laga helay 24 saac ee la soo dhaafay gudaha dalka Soomaaliya cudurka Covid 19 dad gaaraya Boqol Ruux.

Wasaarradda ayaa sheegtay in dadka baaritaanka lagu sameeyay iyo kuwa laga helayba ay ku kala sugan yihiin gobolka Banaadir, iyo maamul gobolleedyada, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Gobolka Banaadir ayaa cudurka laga helay 92 ruux,  Hir-Shabelle: 1  Jubaland: 4  Koonfur-Galbeed: 3  Lab: 63 Dhedig: 37  Dhimasho: 9 Tirada Guud ahaa dalka Soomaaliya  Laga Helay: cudurka  5,373 Bogsashada Guud: 3,750 Dhimashada Guud: 163.

Soomaaliya waxaa guud ahaan siweyn u soo laba kacleeyay cudurka Covid 19 oo dadka uu soo ridanayo saacadihii ugu danbeeyay ay siweyn u sii kordhayaan, waxaana ay Wasaarradda caafimaadku ka digtay wararka been abuurka ah ee ku saabsan cudurkan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]