4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 16, 2021
Somaliland: Gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada oo xisbiga wadani ku biiray
 

Talaado, Febraayo, 16, 2021 (HOL)- Guddoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Somaliland, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, ayaa xisbiga mucaarad ka ah ee Wadani xaflad soo dhawayna, maanta ugu sameeyey magaalada Hargaysa, kadib markii uu shaaciyay in uu ku biiray xisbiga Wadani.

Guddoomiye ku xigeenka golaha wakiilada, oo mudo dheer katirsanaa xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa kama danbaystii sheegay, in uu ka huleelay xisbiga Kulmiye isagoo ku biiray xisbiga Mucaarad ka ah ee Wadani.

Hadaba guddoomiye ku xigeenka oo hadal dhinacyo badan taabanayay ka jeediyay xaflada soo dhawaynta ah, ee uu xisbiga wadani u samameeyay ayaa ka hadlay hadalo dadwaynuhu is la dhexmarayeen, taasi oo ahayd in madaxwyne Muuse Biixi uu taageeray wasiir Faratoon in uu hogaamiyo golaha wakiilada doorashada kadib, isagoo madaxwaynuhu ka soo horjeestay qorshe lasheegay in Axmed Yaasin uu ku doonayay in uu golaha gudoomiye kaga noqdo doorashada kadib.

“Xisbiyadu waa wada muwadinin, dalkana leh, nina mid lagama laha, xudoodo gaarana oo qabaa’il kusalaysana inooma kala laha, ee waa axsaab qaran, afkaarta uun baa lagu kala duwanyahay. Anuu nin cadho qaba ma ihi, ciil na ima hayo, umaba dhalan taa, waxan aad ugu mahadnaqayaa madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo runtii ah nin aanu soo wada shaqaynay, oo abaal igashaday ana abaal aan gashaday, mahad baan uga celinayaa halkaa, xashaa, uma cadhaysni, waxaase layidhi nin habari dhashay hal ma seegi waayo”. Ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenku.

Guddoomiye ku xigeenka, ayaa hadal uu jeediyay wakhtigii lagu jiray ollolihii doorashada madaxwaynaha, ee sanadkii 2017, sheegay in uu madaxwaynaha oo markaa aha musharixi madaxwaynaha ee xisbiga Kulmiye uu ku taageeray in uu noqdo guddoomiye ku xigeenka wakiilada, isagoo inta ku daray in Muuse Biixi Cabdi uu ragii kula tartarmilaha jagada guddoomiye ku xigeenka uu u sheegay in ay isaga uga tanaasulan.

Hadaba wararka ayaa sheegaya in Axmed Yaasiin uu markale madaxwaynaha waydiistay in uu ku taageero in uu noqdo guddoomiyaha golaha wakiilada ee cusub, doorashada kadib, laakin uu madaxwaynuhu kadiiday, taa badalkeedana uu madaxwaynuhu taageeray wasiirka arimaha dibada Somaliland Faratoon oo doonaya in uu jagadaa qabto.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]