4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 16, 2021
Wararkii ugu danbeeyay shirka magaalada Baydhabo

 

Talaado, Feberaayo, 16, 2021 (HOL) - Magaalada Baydhabo waxaa uu maalintii shalay shir uga furmay guddiyo farsamo oo ka kooban 14 xubnood kuwaa oo kala  socda DF, Dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir.

Guddiyadan ku shirsan magaalada Baydhabo ayaa la sheegay in ay u sii ogol xaarayaan shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee lagu waddo in dhawaan uu dhax-maro madaxda DF, Dowlad gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaasoo qorshuhu ahaa in uu furmo maalintii shalay laakiin dib u dhac uu ku yimid.

Guddoomiyaha guddiga ahna Wasiirka Dastuurka Soomaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay shirka hormar ballaaran laga sameeyay, waxaana ay kulamadu socdeen ilaa waqtigii danbe ee xalay.

Waxaa uu sheegay Wasiir Saalax shirkan uu ka rajeynayo in uu gogol xaar wanaagsan u noqdo kulanka dhaxmari doona hoggaanka guddiyada halkan ku shirsan iyo isfaham buuxa laga gaaro khilaafka doorashada.

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo shalay daah furay shirka isaga oo kula soo xiriiray aalada Internetka ayaa u rajeeyay guddiyada in kulamadooda guul ka gaaraan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]